Latest News

Garoowe: Guddoomiyihii Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland Oo Xilkii Laga Qaaday

Garoowe, October 7, 2019 (W.wararka) – Xildhibaanadda Baarlamaanka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa goordhawayd xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka aqalkaasi C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen xildhibaano taabacsan madaxwaynaha maamulkaasi Mr Deni.

Kal-Fadhi ay saaka ku yeesheen Xildhibaanadaasi xarunta Baarlamaanka ee Puntland ayaa waxaa ka soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad.

Iyadoo ay 49 Xildhibaan ay ansixiyeen oo ay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka lagaga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulkaasi C/xakiin Dhoobo Daareed.

Dhinaca kale mooshinkan ayaa kusoo beegmaya xili habeenimadii xalay ay xarunta baarlamaanka dagaal dhimasho dhaawac sababay uu ku dhexmaray ciidamo ka amarqaadanaya madaxtooyadda Puntland iyo ilaalada guddoomiyaha xilka laga xayuubiyey ee baarlamaanka.

Wixii kasoo kordha kala soco HAATUFONLINE.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*