Latest News

General Maxamed Nuur Galaal Oo Ku Dhintay Weerarka Al-Shabab Ku Qaaday Hotel Afriik

Muqdisho, February 1, 2021 (Haatufonline)Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal lagu dilay weerarka ka dhacay Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee sarkaalkan ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku jiray Hotelka markii ay gudaha u galeen koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Siyaasiyiinta durba ka hadashay dilka Jeneraal Galaal waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray, “Gen Maxamed Nuur Galaal Allaha u naxariisto. Ehalada iyo asxaabtana samir iimaan Allaha ka siiyoo. Aamiin.”

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Jeneraal Galaal, Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale oo ah wiil dhalinyaro ah.

Kooxda weerarka soo qaaday ee Al-Shabaab ayaa weli ka dagaalameysa gudaha Hotelka, waxaana howlagalka soo afjaridooda la wareegay booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, balse weli ma suurta gelin in laga adkaado.

Tobanaan qof ayaa laga soo badbaadiyey hotelka markii uu weerarku ka bilaawday kadib, waxaana illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afriik.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*