Latest News

Gobolka Soomalida Itoobiya Oo Lagu Amray Diyaarinta 3250 Ciidan Ah Iyo Askarti Hore Loo Qaaday Oo Qaar Dhinteen

Jigjiga,July 24,2021(Haatufonline)-Dawladda Itoobiya ayaa amar kusoo rogtay gobolada dalkeeda oo dhan in midkastaa diyaariyo ciidan cusub oo la geeyo faroomaha dagalka ba’ani ku dhexmarayo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Tigrayga ka dib markii uu ciidamada Itoobiya khasaare laxaad lehi kasoo gaadhay dagaaladaasi dhawrki maalmood  ee u dambeeyey.

Hadaba dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa qayb ahaan waxa kusoo hagaagay 3250 askari inay soo xulaan iyadoo tirooyinka ugu badan lagu qaybiyey gobolada Faafan 1000 askari,Shabeele 480 askari, Sitti 265,  Dawa l205 askari.Magaalooyimka Jigjiga, Dhagaxbuur,Qabribayax,Qabridahare,Goday iyo Wajaale ay kusoo hagaageen min 10 askari.

Dhinaca kale waxa baraha bulshada ee dadka kasoo jeeda dawlad deegaanka Soomaalida lagu sheegaya in dagaaladii dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Amxaarada ay ku dhinteen qaar ka mid ah ciidankii todobaadkii hore laga qaaday Jigjiga ee halkaas la geeyey waxaana la magacdhabay sarkaal la odhan jiray Khader Cabdi Libaax inuu ku geeriyooday mid ka mid ah dagaaladaasi oo

lagu jabiyey ciidamada dawladda Itoobiya.

Connect with us on Facebook