Latest News

Alshabaab Oo Laga Sifeeyey Koonfurta Mudug Iyo Weerar Culus Oo Kusoo Aadan Saldhigooda Xarardheere

Dhuusamareeb,July 25,2021(Haatufonline)- Ciidanka #Danab oo ay taakulaynayaan ciidamada dawlad goboleedka Galmudug ayaa ku guulaystay into ururka #Alshabaab ka sifeeyaan saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaanada koonfurta gobolka Mudug.
Ciidamada huwanta ah ayaa mudo bil ah waday hawlgal balaadhan oo ku aaddan goobaha ay ku suganyihiin xoogaga Alshabaab iyadoo lagu qaaday weeraro isdaba joog ah oo aakhirkii lagaga saaray jiidaha Bacaadweyn iyo Shabeelay iyo kuwo kale oo ku yaala koonfurta Mudug waxaana hadda la wareegay deegaanadaasi ciidamada Galmudug iyo kuwa dawladda dhexe.
Masuuliinta Galmudug oon u kala hadhin dagaalkan Alshabaabka lagaga cadhiyey koonfurta Mudug ayaa waxay sheegeen in argagixisada Alshabaab aan sidaas lagaga hadhi doonin balse lasii wadi doono weerarada ka dhanka ah ilaa laga saarayo magaalada xeebta ku taala ee Xarardheere taas oo ah saldhigga ugu weyn ee ay Alshabaab ku leeyihiin Galmudug.

Connect with us on Facebook