Latest News

Golaha Shacabka Somalia Oo Sh. Aadan Madoobe U Doortay Gudoomiye

Muqdisho, April 27, 2022 (Haatufonline) – Golaha cusub ee Aqalka Baarlamaanka Somalia ayaa gudoomiye u doortay xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo helay codadka 163 cod, halka Murashixii uu la tartammayeyna uu helay 89 cod, sidaana waxa Gudoomiyaha Baaarlamaanka Somalia ku noqday Sheekh Aadan Madoobe.

Doorashada Aqalka Baarlamaanka Somalia ayaa caawa lagu qabtay taandhada Afisyoone ee garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaana gudoomiye loogu doortay Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo ku guulaystay codadkii ugu badnaa ee xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaanu ka guulaystay xildhibaankii la tartamayey Xasan Cabdi Nuur.

Doorashadan Aqalka Golaha Shacabka ee Somalia oo maalmihii la soo dhaafay khilaaf xoogani ka taagnaa qabashadeeda ayaa caawa ka dhacday Teendhada Afisyoone, waxa Wareegii koowaad ka qaybgalay 7 xildhibaan oo u ordayey gudoomiyaha Aqalka Baarlamaanka si ay u hoggaamiyaan golahaasi 11aad ee Somalia.

Todobada xildhibaan ee u Sharaxnaa Gudoomiyaha ayaa kala ahaa Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, Sheekh Aadan Madoobe, Xildhibaan Abdilaahi Aadan Blaak, Xildhibaan Aadan Maxamed Saransoor, Xildhibaan Shariif Maxammed Cabdala, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig Iyo Xildhibaan Saadiq Cabdilaahi Cabdi.

Wareegi u dambeeyey ayaa waxa iskugu soo hadhay Sheekh Aadan Madoobe iyo Xasan Cabdi Nuur oo ay kala wataan xildhibaanada mucaaridka oo taageerayey Sheekh Aadan Madoobe iyo xildhibaanada muxaafidka ee uu wato Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo oo taageerayey musharax Xasan Cabdinuur.

Waxaana markii ay xildhibaano badan oo doonayey isbadal ay codkoodii ugu shubeen Sheekh Aadan Madoobe ay sidaasi ugu suuragashay inuu ka guulaysto ninkii la tartamayey, sidaana uu ku noqday gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Somalia.

Connect with us on Facebook