Latest News

Guddidii Dhexdhexaadinta Xukuumadda Iyo Xisbiyada Mucaaridka Oo Go’aamo Soo Saaray

Hargeysa, (Haatuf) – Guddidii dhexdhexaadinaysay Xukuumada Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland oo ka koobnayd ganacsato, Madaxdhaqameed iyo culimaa’udiin ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxaanay shaaciyeen go’aamo ay ka soo saareen khilaafkaasi.

Go’aamada ay soo saareen guddidani ayaa waxa ka mid ah in la soo celiyo Guddii hore ee doorashooyinka Somaliland ee Mudadoodu dhamaatay iyo in la kala diro guddida cusub ee khilaafku ka taagan yahay.

“Guddidan oo ah guddidii dhexdhexaadin xukuumada iyo labada xisbi Mucaarid, waxay hawsha bilawday bishii November 21-keedii, waxaanay maanta soo gabogabaysay hawshaa ay ku jirtay ee dhexdhexaadinta iyagoo iskaga dabqaaday, mudo soo noqnoqota ee afar ilaa shan jeer labada dhinac.

Maanta oo ay bishu tahay 16-kii December, waxaanu soo jeedinaynaa hadaanu nahay guddida dhexdhexaadinta qodobadan soo socda;-

1. Guddidii cusbayd ee doorashooyinka in la kala diro, iyaga oo khilaaf la kowsaday.

2. In la soo celiyo guddidii hore ee Komishanka doorashooyinka, Anaga oo ku sababaynay khibrada iyo tababarka ay leeyihiin  labadaba in la waafajiyo shuruucda dalka u yaala.

3. Jamhuuriyada Somaliland waxay ku dhisan tahay Fulin, Sharci Dajin iyo Garsoorka, xisbiyada Mucaaridku waa inay ixtiraamaan oo qadariyaan oo ku kalsoonaadaan dhamaan madaxweynaha iyo Wasiiradiisa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Maxkamadda Sare, wax deelqaaf ahna aan loola iman.

Xisbiyada Mucaaridka waxaanu kula talinaynaa inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo nabadgalyada iyo xasiloonida dalka waxyeelaya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*