Latest News

Baarlamaanka Maamul Gobolleedka Galmudug Oo Gudoomiye Cusub Doortay

Galguduud, (Haatuf)- Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa ku guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee Maamul gobolleedka Galmudug oo ay ku tartameen musharax xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan.

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa helay 54 Cod guud ahaan tirada xildhibaannadii 89 xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug halka musharaxa kale ee la tartamayay Cabdinaasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod.

Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad u doortay Cabdullaahi Xirsi Maxamed oo helay 59 Cod waxaana uu ka guuleystay Saadiq Sheekh Yuusuf Ibraahim oo helay 29 Cod.

Sidoo kale Baarlamaanka Galmudug ayaa Faadumo Cabdi Cali u doortay guddoomiye ku-xigeenka 2aad, waxaana ay Faadumo 47 cod uga guuleysatay musharixii la tartamayay Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo helay 41 Cod.

Faadumo Cabdi Cali ayaa noqoneysa haweeneydii labaad ee guddoomiye ku-xigeen ka noqotay Baarlamaannada dowlad gobolleedyada dalka ka jira marka laga soo tago Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Hirshabeelle oo Qof Dumar ah ay ka mid tahay Guddoonka Sare.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*