Latest News

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Xadhiga Ramaax

Hargeysa, (Haatuf) – Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, Baashe Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu cafiyey xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ka dib markii salaadiintii Ramaax ka socota ka dalbatay inuu siidaayo.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay inuu dacweeyey siyaasi Ramaax ka dib markii uu warbaahinta ka sheegay eeddo culus oo ay ka mid ahaayeen inuu gudooomiyaha Baarlamaanku la shaqeeyo cadowga Somaliland, taasina ay keentay inuu dacweeyo Ramaax si uu u cadeeyo hadalkiisa isaga ku saabsan.

Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax oo sababta uu u xidhan yahay Ramaax ka hadlaya waxa uu yidhi “Ramaax aniga dacweeyey waxaanu warbaahinta ka sheegay inaan la shaqeeyo cadowga Somaliland, aniguna waxaan ahay gudoomiyihii Baarlamanka hadii aan cadow la shaqaynayo waa inaan xilka ka dego, aniga xeer ilaalinta waraaq u qorey oo ku idhi waxa la igu eedeeyey inaan cadowga Somaliland la shaqeeyo, waxaan doonaya in la igu soo cadeeyo in arrinkaasi jiro iyo in kale, xeer ilaalintuna waxay usoo gudbisay booliska, booliskuna way baaadheen sidaas ayuu ku xidhan yahay, kursigayga in wax laga sheego waxba uma arko laakin shakhsiyadayda in wax laga sheego ma ogoli”

Sidoo kale, waxa uu sheegay in salaadiinta siyaasi Ramaax ka codsadeen inuu cafiyo, waxaanu yidhi “Waxa ii timid salaadiintii Ramaax oo iga dalbatay inaan cafiyo, anna waxaan waydiistay inuu raaligalin la iga siiyo arrinkaasina dib dambe aanu u dhicin, sidaas baan ku saamaxay Ramaax.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*