Latest News

Gudoomiyaha Guurtida Oo Furay Kalfadhiga 71aad Oo Sheegay In Doorashadu Ku Dhacayso Wakhtigii Loo Qabtay

Hargeysa, Febr-8, 2020 (Haatuf) – Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta furay Kalfadhigii 71aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in doorashada Wakiilada iyo Golayaasha deegaanku ay ku qabsoomi doonto xiligii loogu talo galay, waxaanu Mr Saleebaan uu ugu baaqay Asxaabta Somaliland inay joojiyaan buuqa ay dalka ka abuurayaan.

Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arimo amaan daro ah oo ka taagan bariga gobolka Sanaag oo uu tilmaamay in ay faraha ka bixi doonto hadii Xukuumada iyo Golahooda Guurtidu ay si dhakhso ah uga hawlgali waayaan.

 “Bariga shishe arimahoodu ma qurux badna, maalin walba wuxuunbaa dhimanaya, haday sidaa ku sii socoto dee fiditaan ayaa xigaya, hadii aynaan ka hawlgalin, inay inagu fiddo Illaahay kama dhigo, laakiin inaynu ka hawlgalo waa inaynu ku darnaa.

Golahan Guurtida waxa waajib ku ah markaa inuu dhextago oo uu guddi iska saaro oo uu dhex tago oo uu isku soo jiidjiido, inaga iyo dawladdaba xilbaa inaga saaran,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida mar uu ka hadlayay arinta doorashada ayaa waxa uu yidhi “Doorashooyinkan laga qaylinayo, muddana waynu qabanay, hadana waa la qaylinayaa, qayladaasina meel qudha ayuunbay ka socotaayoo, waxa weeyi asxaabtaa iyagu inagu buunbuuninaya, Asxaabta waxaanu leenahay ha la aqbalo, doorashada mudaa loo qabtay, mudadii loo qaybtay baanay ku dhacaysaa, waanaynu ka qaybgalaynaa.

Markaa khilaafka ayuunbay kordhisaa hadii la hadal hayo uun, wax mudadii iska badalayaana ma jiraan, waxa se anigu aan qabaa hadii mudadaa lagu qabto oo aynu ku qaban karno oo waliba ragga ka masuulka ah doorashada ay inagala qayb galaan, oo hadalkana ay yareeyaan doorashadana loo dhaqaaqo waa la qaban karaa. Hadii kale way inala jiitami uun, aynu sidaa ku hawlgalno inaguna, allena ha inala qabto,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*