Latest News

Hargeysa: 7 Caruura Oo Laga Samata-bixiyay Guri Dab Qabsaday

Hargeysa, October 21, 2021 (Haatufonline) – Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta abaaro 10:00 maalinimo soo badbaadiyay 7 Caruur ah oo dab ku qabsaday gurigii ay ka degenaayeen magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada 31 May.

Todobada carruura mid ka mida ayaa ku dhaawacmay dabka, waxaana ciidamada Dab-demisku gaadhsiiyeen cisbitaalka carruurta ee magaalada Hargeysa oo lagu dabiibayo.

Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya laamaha dambi baadhista ciidanka Booliska, waxaana badbaadadaa ka hawl galay ciidanka dabdemiska taliska guud.

Dhanka kale ciidanka Dab-demiska ayaa dabkii guriga haystay ka xakameeyay, sidoo kale ciidanku waxay dabkaa ka hakiyeen inuu ku fido guryaha kale ee u dhaw.

 

Connect with us on Facebook