Latest News

Waajid: Al-Shabaab Oo Gubay Gaadhi Dameero Raashin Waday

Waajid, October 20, 2021 (Haatufonline) – Dagaalyahanada ururka Al-Shabaab ayaa gubay oo dab qabad-siiyeen gaadhi Dameero raashin waday, oo ku sii jeeday degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool oo ay hore u go’doomiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaadhi Dameer ay gubeen xoogaga Al-Shabaab, iyaga oo u galay duleedka degmadaasi.

Gaadhi Dameeradan la gubay ayaa sidday raashin kala duwan leh, waxaanay ku socdeen gudaha magaalada, si ay u gaadhsiiyaan raashinkaasi.

Hase yeeshee, wararka ayaa intaasi ku darayaan inay goobta ka baxsadeen, iyaga oo nabad qaba dadkii waday raashinkaasi, ka hor inta aanay soo gaadhin Al-Shabaab.

Connect with us on Facebook