Latest News

Haweenay u dabaal degtay dhalashadeedii oo laga joogo 107th sanadood

New York, (haatufonline) – Haweenay u dabaal degtay dhalashadeedii oo laga joogo 107th sanadood ayaa maalintii shalay dadka la wadaagtay sirta ku duugan mudadii dheerayd ee ay noolayd, qaabkii ay u noolayd, iyo in aanay waligeed guursan.

Haweenaydan oo magaceeda la yidhaa Louise Signore, ayaa ku nool Bronx oo ku taala New York, waxaanay sheegtay in ay joogtaysay inay cunto cunto dheeli tiran iyo jimicsi ay si joogta ah u samayso oo xataa ay xariifad ku taxay jaaska. Balse waxa ay rumaysan tahay sababta dhabta ah ee nolosha qarniga ka badan ay tahay in aanay waligeed xidhiidh lamaane samayn.

“Hadii ay jimicsadaan, ana waan jimicsadaa. Hadii ay Jaasaan, ana waan Jaasaa. Ilaa hada in yar ayaan sameeyaa qoob-ka-ciyaarka. Marka aan qadeeyo. Waxaan ciyaaraa bingo, ” sidaasi ayay u sheegtay Signore CNN.

“Waxaan filayaa sirta 107; Waligay maan guursan. Waxaan u malaynayaa taasi inay tahay sirta. Walaashay ayaa tidhaa, “Waxaan Rajaynayaa In Aanan Guursan.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*