Latest News

Hawlgal Lagu Dilay 10 Dagaalyahan Oo Ka Tirsan Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Jamaame

Jamaame, March 9, 2022 (Haatufonline) – Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda Somalia ayaa sheegeen in howl-gallo ay ku qaadeen Al-shabaab ay ku dileen ugu yaraan 10 ka tirsanaa kooxdaasi, sidoo kalena ay ku soo qabteen 6 kale.

Howl-galkan lagu beegsaday Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ay ku sugnaayeen oo ku yaalla duleedka degmada Jamaame.

Waxaanay wararka intaa ku darayaan in mudadii ay socdeen howl-galladu ay dagaallo adagi dhex-mareen labada dhinac, kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada jabka xoogan lagu gaadhsiinayo kooxda Al-Shabaab.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay sida aadka ah ugu xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhacay iska hor imaadyo geystay khasaare kala duwan.

Connect with us on Facebook