Latest News

Hotel Xayaat Fashilka Ugu Weyn Wuxu Dhacay Markay Isku Midnoqdeen Dirayskii Ciidankii Herimacad Iyo Kii Shabaabku

Muqdishu, August 24, 2022 (Haatufonline) -Fashilka ugu weyn ee ku yimid hawlgalkii ay ciidamada dawladdu kula tacaaleen weerarkii ay koox ka tirsan Alshabaab ku qabsadeen hotel Xayaat waxa uu dhacay markii ay isku mid noqdeen dirayskii ay gashanaayeen ciidanka Harimacad ee gurmadka ahaa iyo kii ay gashanaayeen kooxda Alshabaab ee hotelka gashay taasoo marki dambe nimankii Shabaabka ka tirsanaa u saamaxday inay buuqi iyo jaahwareerki kafaaiidaystaan oo ay hotel-kii ka baxaan iyagoo badqaba.

Si loo qariyo fadeexaddaasi taliyaha booliska Somalia janaraal Xijaar ayaa go’aan ku gaadhay in hotelka gabi ahaantiiba la dumiyo oo dhulka lala simo ka dib marki ay ciidamadi dawladda ee sida gaarka ah u tababarnaa ay ku fashilmeen inay gaadhaan daabiqii sadexaad iyo daabaqi afraad ee hotel-ka ee ay kooxda Alshabaab ku sugnaayeen dadkana ku laynayeen intii ay ciidamadda dawladdu murmayeen.

Madaxda Somalia ayaa lagu dhaliilaa in aanay marnaba si daacad ah ugu soo jeedsan la dagaalanka argagixisada Alshabaab balse ay inta badan waqtigooda ku lumiyaan arimo musuqmaasq iyo awood kala riixasho ah.

Connect with us on Facebook