Latest News

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Dawladiisu Wado Qorshayaal Lagu Dabar-Goynayo Al-Shabaab

Muqdisho, August 23, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir aan caadi ahayn la yeeshay  Guddiga Amniga Soomaaliya, waxaanu shacabka la wadaagay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo qorsheyaasha dowladda ee dabar-goynta argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay diyaar garoowga uu bilaabay tan iyo markii uu xilka yimid, kaas oo ku aaddan xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada Alshabaab iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabaddeenna, dowladnimadeenna iyo madaxbannaanideenna.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarawgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in Hadafka ugu weyn ee argagixisada Alshabaab ay ka leeyihiin weerarrada gaadmada ah ee ay ku beegsanayaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan ay tahay in la niyad-jabiyo dadka Soomaaliyeed, dowladdana laga mashquuliyo qorsheheeda xoreynta dalka.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna”.

Shirka Guddiga Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb-galeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirrada Arrimaha, Dibadda, Amniga, Gudaha, Maaliyadda iyo Caddaaladda, Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad-sugidda Lataliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka, halka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga ay kaga qeyb galeen dhanka khadka, waxaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan weerarkii hotel Xayaat, u diyaar-garoowga Shirka Golaha Amniga Qaranka iyo qorshaha xasilinta dalka.

Connect with us on Facebook