Latest News

Ififaale Mujinaya In Mahad Karaate Iyo Cali Dheere Isku Hayaan Jagada Amiirka Shabaabka

Muqdisho,August 16,2022(Haatufonline)-Waxa baryahan dambe soo ifbaxayey warar sheegaya in uu xarakadda Alshabaab ka dhex bilaabmay tartan ku saabsan cidda qabanaysa mansabka Amiirka oo ah jagada hogaamineed ee ururka u saraysa iyadoo la aaminsanyahay in Amiirki Alshabaab Axmed Diiriye Abu Cubayda uu caafimaad ahaan hawlgab noqday.

Sida u tibaaxay wargeyska Somali Wire ee lagu daabaco interneka tartankan ayaa ah mid u dhaxeeya labada nin ee la kala yidhaa Cali Dheere oo ah Afhayeenka kooxda iyo Mahad Karaate oo ah masuulka u sareeya ee Shabaabka u qaabilsan arimaha dhaqaalaha iyo hawlgalinta. Sida lagu sheegay wargeyskaasi, calaamadaha muujinaya jiritaanka loolanka ay labada nin ugu jiraan jagada u saraysa ururka waxa ka mid ah Cali Dheere oo kasoo jeeda beesha Maroorsade ayaa kusoo noqday saaxadda warbaahinta si u u muujiyo inuu wali meel saare kaga jiro hogaanka sare ee go’aamiya siyaasadda ururka ka dib markii uu dhawaan isagu codkiisa ku baahiyey mawqifka Alshabaab ee ku saabsan Mukhtaar Roobo oo ay ku sheegeen nin khaayin iyo murtad ah iyo wadahadal lala yeesho xukuumadda Somalia oo ay sheegeen in aanay sinaba wax wadahadal ah ula yeelan doonin .

Connect with us on Facebook