Latest News

Ururka VOSOMWO Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Lagaga Hadlayey Caqabadaha Haweenka Ka Haysta Ka Qaybgalka Siyaasada

Hareysa, August 15, 2022 (Haatufonline) – Ururka codka haweenka VOSOMWO ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay kulan balaadhan oo lagaga hadlayey caqabadaha soo wajaha haweenka hanka siyaasadeed leh iyo tacadiyada ay markaasi la kulmaan dhinaca dhaqanka.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Hargeysaa ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadashay Agaasimmaha guud ee ururkaasi marwo Hibaaq, taas oo ka warantay kaalinta ururkoodani ugu jiro kor u qaadista haweenka hanka siyaasadeed leh.


“Ururkan codka haweenka ee VOSOMWO waxa la aasaasay 2004-tii, ilaa hada waxa uu ururkani uu ka shaqanayaa wacyigalinta, horumarinta iyo u raadinta xuquuqda ay leeyihiin dadka uu dhaqanku naafeeyey Ee ku nool dhamaan Somaliland oo dhan.

Haday nooto dhinaca shaqaalaysiinta, waxbarashada iyo isdhexgalka bulshada oo aanu aad iyo aad uga shaqaynay urur ahaan.

Dhinaca waxbarashada waxa jira arday uu ururuku ka caawiyey Jaamacadaha oo ka soo jeeda beelahan uu dhaqanku naafeeyey, shaqalaaysiinta oo kale aadbuu uga shaqeeyey,” ayay tidhi Marwo Hibaaq, iyadoo ujeedadii kulankaasi ka hadlaysana waxa ay tidhi “Ujeedada kulankeenan maantu  waxa uu daaran yahay inaynu isla eegno caqabadaha hortaagan dumarka ka soo jeeda beelaha dhaqanku naafeeyey inay ka muuqdaan siyaasada Somaliland iyo horumarkeedaba sida aynu ognahay doorashadii Barlaaanka iyo Deeaanka ma jirto gabadh ka muuqata oo ka soo jeeda beelahan oo ka tartantay’’.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay aqoonyahano, haween iyo marti kale oo si isku  mid ah uga hadlay dhibaatada haweenka ka haysata ka qaybgalka siyaasada dalka, iyo sida ay uga gudbi karaan.

Garyaqaan Mubaarig Cabdi oo ka mid ah dadkii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ’’Mawduucan maanta laga hadlayaa waa mawduu in badan soo jiray, talaabooyin badana in laga qaado aanu soo jeedinay oo aan u baahnayn hadal badan.

Marka laga qadlay ka qaybgalka siyaasada, haweenka Somaliland oo dhan ayaa lagaga tiro badan yahay, maaha hablaha la haybsooco oo kaliya, waayo nidaamka Somailand waxa jira (deep state) wax doorta, iyagaana saameeya dadka la dooranayo ee safafka hore ee siyaasada soo galaya.

Nidaamkeena Dimuqraadiyadeed waxa lagu tilmaamaa nidaam ay raga oo kaliya ahi ay majaraha u hayaan (dominate-gateeyeen) oo habluhu aanay xilal badan haynin’’ ayuu yidhi garyaqaan Mubaarig.

Sidoo kale waxa iyaduna halkaasi ka hadashay marwo Sucaad Carmiye “Anagu (haweenka) waxa aanu isku haysanaa in aanu qabiil ka tirsanahay, oo anaga oo dhan qabiil ayaanu u dagaalamaynaa, hadaanu reer hebel nahay iyo hadaanu reer hebel nahay. Hase yeeshee runtu waxa ay tahay in aanaan reernaba ka tirsanayn, oo ka aanu u dhaxnay ama ka aanu ka dhalanayna midna nihin, mid qudha oo aanu anagu matali karno ma jirto, markaa anaga iyo haweeenka beelahani waxa aanu ku kala duwanahay ma jirto

Ragga ama Barkhad Batuun ha ahaado ama Cabdikariin Mooge ha ahaadee mid raba inay gabadhi soo fadhiisato miis lagu go’aaminayo talada dalka ma jiro”

Connect with us on Facebook