Latest News

Ilhaan Cumar Oo Ku Guulaysatay Doorasho Xisbigeeda Dhexdiisa Ay Ka Gashay

Minnesota, August 12, 2020 (Haatuf) – lhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota.

Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan.

Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada.

Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November.

Tirada codadka ee ay Ilhaan heshay ayaa ah 57.4%.

Antone Melton-Meaux wuxuu helay 39.2 %.

Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay, waawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uu soo hoyinin, waxaanu kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”.

Antone Melton-Meaux, oo ah ninka sida weyn ugu xusul duubayay inuu Ilhaan kursiga ka faromaroojisto, ayaa la sheegay inuu isticmaalayay lacago aad u badan.

Lacagta badan ee uu u arursaday ol’olihiisa doorashada awgeed ayaa ninkan loogu saadaalinayay inuu ka guuleysan doono Ilhaan.

Wuxuu iibsaday inta badan xayeysiisyada Warbaahinta gobolka Minnesota, taasoo cabsi galisay taageerayaasha Ilhaan Cumar.

Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka Madaxweyne Donald Trump.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*