Latest News

Imaaraadka Carabta Oo Deeq Raashin Ah Soo Gaadhsiiyey Somalia

Muqdisho, August 13, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo ay wehlinayeen wasiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya Xirsi Jaamac Gaani ayaa Maanta la wareegay deeq raashin oo ka timid dowladda Imaaraadka Carabta.
Deeqdaan raashinka ah ee ay la wareegtay Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka kooban 40 konteenar oo isugu jira cuntooyin kala duwan oo loogu talagalay in la gaadhsiiyo shacabka Soomaaliya ee abaartu saamaysay.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay munaasabad kooban oo ka dhacday gudaha Dekada magaalada Muqdisho oo ay kula wareegayaan deeqda raashinka ah ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta deeqdan ay Maanta soo gaadhsiyeen,  waxaanu sheegay in sida ugu haboon ay u gaadhsiin doonaan dadka abaaruhu saameeyeen.
“Waxaan Maanta la wareegnay deeq raashiin ah oo inooga timid dowladda walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta taasoo dhan kun tan oo isugu jirta cunooyin kala duwan oo loogu talo galay dadka abaaraha saameeyeen, waan uga mahadcelinaya garab istaaga dowladda Imaaraadka Carabta ay inoo mujineyso, waxaana ka fileyna deeqo kale oo gargaar ah” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir.
Danjiraha dowladda maaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Maxamed Axmed Al-Othman ayaa sheegay in deeqdaan ay Maanta soo gaarsiiyeen dowaladda Soomaaliya ay gaareyso 1000 tan oo raashin ah oo ay dowladda imaaraadka ugu talogashay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen.

Connect with us on Facebook