Latest News

Imaaraatka Oo Noqday Dalki Ugu Horeeyey Ee Badda Soo Mariya Raashin Loogu Talogalay Dadka Abaaruhu Ku Saameeyeen Somalia

Muqdisho,August 15 2022( Haatufonline)- Dawladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa noqotay dalki ugu horeeyey ee badda soo mariya mucaawimo gargrgaar raashin ah oo loogu talogalay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen Somalia kadib markii ay dekadda Muqdisho kusoo xidhatay dooni uu saaranyahay raashin kala duwan oo ay shalay la wareegeen masuuliin ka tirsan dawladda Somalia.

Raashinkan oo lagu qiyaasay 1070 Tan ayaa waxa xukuumadda Somalia ku wareejiyey safiirka Imaaraatka u fadhiya Muqdisho Maxamad Axmad Al-Cuthmaan iyadoo ay goob joog ahaayeen wafdi ka socday Bisha Cas ee dawladda Imaaraatku.

Waxay aheyd horaantii sanadkan markii uu madaxweynsha Imaaraatka Sheekh Maxamad Bin Zaayed uu amar ku bixiyey in gargaar deg deg ah lala gaadho dadka reer Somalia ee ku tabaaloobay abaaraha, waxaanay Imaaraatku kadib dalka Somalia dhawr jeer oo hore kusoo daabuleen raashiin lagu keenay diyaarado,raashinkaas oo loo qaybiyey gobolada dalka ee abaaruhu sida ba’an u saameeyeen.

Connect with us on Facebook