Latest News

Gudida Doorashada Kenya Oo Ku Dhawaaqday In Willian Ruto Loo Doortay Madaxweyne

Nairobi, August 15, 2022 (Haatufonline) – Guddida doorashada dalka Kenya (IEBC) ayaa ku dhawaaqday in William Ruto loo doortay Madaxweynaha 5aad ee dalka Kenya kadib markii 50.49% uu ku guulaytay.

Doorashadan ayaa dalka Kenya ka dhacday khamiistii, waxaana goordhaweyd Natiijadeeda lagaga dhawaaqay Bomas of Kenya, taas oo ay ku tartameen Afar Musharax oo uu ku jiro Ruto oo loogu dhawaaqay inuu ku guulaystay.

Hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in afar ka mid ah guddida doorashadu ay diideen natiijada lagu dhawaaqay, waxaana la filayaa in Maxkamada sare loo gudbiyo.

Ninkii sida weyn ula tartamay oo la yidhaa Raila Odinga ayaan la ogayn inuubaqbali doono natiijadan, kamanuu soo qaybgalin halkii lagaga dhawaaqayey.

 

Connect with us on Facebook