Latest News

Isku Dayga Qadar Ee Maslaxaadda Somaland Iyo Cadhada Iyo Dhaleecaynta Ay VillaSomalia Kaga Jawaabtay

Muqdisho,March 22,2022( Haatufonline)-Dawladda VillaSomalia ayaa jawaab cadho iyo dhaleecayn iskugu jirta ka bixisay qoraal uu Twitterka soo dhigay  safiirka Qadar u fadhiya dalka Itoobiya Xamad Al-Doosari oo uu ku sheegay inuu la kulmay ”safiirka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Axmed u fadhiya Itoobiya”.

Qoraalkan ayaa dhawr saaxadood ka dib laga saaray barta uu safiirka Al-Dosari ku leeyahay Twitterka kadib markii ay oohin iyo calaacalba ka dhamaadeen wasiirka khaarajiga Somalia ee 4 rukun.

Qoraalkan ayaa dadka faaqida siyaasaddu ku tilmaameen mid ay dawladda Qadar ku maslaxanayso dawladda Somaliland kadib marjay aragtay sida weyn ee dawladda Maraykanku usoo dhaweysay madaxweyne Muuse Biixi oo ilaa todobaadkan booqosho ku joogay caasimadda Maraykanka ee Washington halkaas oo ay dalkiisa uga soo qabsoomeen guulo waaweyn oo diblomaasiyadeed oo uu ka mid yahay iskaashi laba geesood ah oo dhawaan dhex mari doona Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Connect with us on Facebook