Latest News

Dawladda Maraykanka Oo Ogolaatay In Safaaradda Somaliland Kasoo Guurto Virginia OO Soo Degto Washington Sida Safaaradaha Kale

Washington,March 22,2022(Haatufonline)- Dawladda Maraykanka ayaa ogolaatay in xafiiski Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd dalka Maraykanka laga soo raro magaalada Alexandria ee Gobolka Virginia oo lasoo dajiyo caasimadda Washington DC oo wax yar u jirta Alexandria.
Ogolaanshahan in laga furo caasimadda dalka Maraykanka ayaa wuxu safaaradda Somaliland siinaya meeqaam diblomaasiyadeed oo la mid ah ka safaaradaha kale ee deggan Washington.Talaabadan ayaa ka mid ah guulaha Somaliland usoo hoyday ee ka dhashay wadahadaladi uu madaxweyne Muse Biixi iyo xubnaha wafidigiisa balaadhan ee uu hogaaminaya ay Washington kula yeesheen masuuliin sar sare oo ka tirsan xukuumadda iyo Congress-ka Maraykanka.

Connect with us on Facebook