Latest News

Jamaame: Warar Ka Soo Kordhay Dilka La-Taliyaha Horjoogaha Al-Shabaab

Mogadishu, May 12, 2020 (Haatuf) – Laba xubnood oo sarsare oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa ka mid ah tiro xubno muhiim ah oo lagu bartilmaameedsaday weerar dhinac cirka ah oo dawladda Maraykanku ay qaaday oo ka dhacay Jamame Iyo Haway oo ka tirsan gobolada Koonfurka ee Jubadda Hoose iyo Sheebeelaha Hoose.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedo dhinaca amaanka ah, ayaa tilmaamaya in weerarka dhinaca Cirka ah lagu bartilmaameedsaday Kooxda Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qacida oo tababar uu uga socday Xero ku taala Jamaame.

“Maleeshiyadu waxay dhawaantan soo gabogabaysay tababar ay ugu diyaargaroobayaan unug dagaalyahano ah oo doonayey inay weerar ku qaadaan Bar Sanguni oo ku dhaw Kismaayo,” sidaasi waxa ku waramay ilo dhinaca amaanka ah oo u waramay Horn Observer.

Xubnaha la dilay ayaa waxa ku jiro shakhsiyaad ka mid ah golaha fulinta ee ururka Al-shabaab, Hase yeeshee weerar kale oo isagu ka dhacay Haway oo u dhaw gobolka Shabeelaha Hoose oo lagu bartilmaameedsaday Xero tababar oo kale ayaa waxa lagu dilay Mustaf Caato, oo ahaa la taliyaha gaarka ah ee Amiirka Al-shabab.

Balse ilaa wakhti xaadirkan ma jirto qirasho ka timid dhinaca Al-shabaab ama diidmo weeraradaasi labada ah ee lagu qaaday Isniintii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*