Latest News

Kenya Oo Jawaab Quudhsi Ah Ka Bixisay Go’aanki Farmaajo Ee Soo Celinta Xidhiidhkii Labada Dal

Nairobi,April 7,2021(Haatufonline)- Dawladda Kenya ayaa jawaab quudhsi ah ka bixisay go’aankii lama filaanka ahaa ee uu Farmaajo shalay kusoo celiyey xidhiidhkii diblomaasi ee u dhaxeeyey Somalia iyo Kenya.

Dawladda Kenya waxay war saxaafaded ay arintan kasoo saartay hadalkeeda ku bilowday ” waxa nasoo gaadhay in maamulka Somalia uu soo celiyey xidhiidhkii diblomaadiyadeed ee uu la lahaa dalka Kenya waxaseh xusid mudan oo lagama maarmaan ah in soo-celinta xidhiidhka diblomaasiyaded ay ku ladhnaato soo celinta xidhiidhadii kale sida xidhiidhkii gancasiga,isgaadhsiinta iyo dhaqankaba.”

Dawladda Kenya waxay u mahad celisay Amiirka Qadar oo Farmaajo ku qanciyey in xidhiidhkii uu isagu jaray soo celiyo balse dawladda Kenya soomay hadal qaadin Farmaajo maa daama ay ogtahay in waqtigan xaadirka ah aan laga jeclayn dalka Somalia.

 

Connect with us on Facebook