Latest News

Kenya Oo Midawga Afrika Ku Wargalisay Walaaca Amni Ee Ay Ka Qabto Dagaalka Ciidamada Somalia Ku Dhexmaraya Buula-Xaawo

Nairobi, January 25, 2021  (Haatufónline) – Dawladda Kenya ayaa Isniinta maanta warqad u dirtay Midowga Afrika (AU), taas oo sare u qaadday walaaca xagga amniga ka dib markii ciidamada federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka Jubbaland ay mar kale dib ugu dagaalameen Buula Xaawo oo ka tirsan Gedo una dhow Mandheera.

Nairobi ayaa sheegtay in dagaalkan ay u badan tahay inuu khalkhal amni ku abuuro Kenya, gaar ahaan maadaama labada dal aanay lahayn xidhiidh diblomaasiyadeed, sida ay sheegtay Wasaarada Arimmaha Dibada Kenya.

“Walaaca koowaad ee Kenya ayaa ah in dagaalada soo cusboonaaday ay sababeen barakac ballaadhan oo dad rayid ah, waxaana sii kordhaysa tiro badan oo qaxooti iyo magangalyo doon ah oo Kenya soo gala, sidaa darteed waxay uga sii daraysaa xaalada bini’aadanimo ee markii horaba ka jirtay Soomaaliya iyo xeryaha qaxootiga ee Kenya”. ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya.

“Kenya waxay ka walwalsan tahay in hadii dagaaladu ay sii socdaan xaaladdu waxay sii carqaladeyn kartaa xasiloonida gobolka, taasoo sii adkeyn doonta xaalada amaanka iyo dib u celinta guulaha laga gaadhay ee la dagaalanka argagixisada.” Dagaalkii ka dib, xafiisyada dowladda iyo goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Mandheera ayaa xidhnaa inta badan maanta.

Waxaa la arkaayay haween iyo caruur u cararaya dhanka xadka Kenya iyo Itoobiya iyagoo markii dambe u tallaabaya dhanka Suftu si ay u badbaadaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*