Latest News

Kharashkii Doorashada Oo Kusoo Fakaday Xukuumada Somaliland Kadib Markii Ay Diiday Shardi Cusub Oo Ay Deeqbixiyeyaashu Ku Xidheen Lacagtii Ay Ku Taageeri Jireen Doorashada Oo Ahaa Codsi Ay Somaliland U Gudbiso VillaSomalia

Hargeysa,September 22,2020 (Haatufonline)-Xukuumadda Somaliland ayaa isku tashanaysa sidii ay dabooli laheyd dhamaan baahida kharashka ku baxaya doorashada goleyaasha deegaanka iyo baarlamanka ee sanadka soo socda ka dib markii ay ganafka u daruurtay shardi ay deeqbixiyeyaashu ku xidheen taageeradi maaliyadeed ee ay siin jireen doorashooyinka Somaliland oo odhanaya waa in xukuumadda Somaliland u gudbisaa maamulka Somalia codsi ay kaga dalbanayso siidaynta lacagtaasi oo dhan 11 milyan oo Doolar .

Kharashka ku baxa doorashooyinka Somliland waxa intiisa badan bixisa Xukuumadda Somaliland,waxaanay xukuumaddu dhawaan gudida doorashooyinka u shubtay labadi milyan ee Doolar ee u horeeyey.

Deeqbixiyeyaashan isu soo mutuxay colaada Somaliland waxay ka koobanyihiin dawladaha bixiya kharashka joogitaanka ciidamada Amisom ee Somalia iyo hayadda Qaramada Midoobay kuwaas oo isla markaana bixiya kharashka doorashada Somalia iyo waliba bixinta kharashka iyo gunooyinka la siinayo calooshood-u-shaqeysteyaasha kasoo jeeda Somaliland ee lagu ururinayo Xamar si loogu daro baarlamanka Somalia ee lagu doorto shirbeeleedyo yar yar oo midkiiba boqol iyo kow ergay kasoo qaybgalayaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*