Latest News

Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba Leh Oo Soo Gaadhay Ciidamada Turkiga Ee Ku Sugan Xamar Oo Tiradooda Dhabta Ah La Qarinayo Taasoo Keentay In Lagu Daadgureeyo Diyaarado Milatari OO Xamuul Ah

Muqdisho,December22,2020(Haatufonline)-Diyaarado xamuul ah oo uu leeyahay ciidanka Turkigu ayaa shalay magaalada Xamar ka daadgureeyey una qaaday dhinaca caasimadda Turkiga ee Ankara dad u dhashay dalkaasi oo mayd iyo dhaawacba isugu jiray kuwaasoo waxyeelo kasoo gaadhay qaraxi 18ka bishan ka dhacay meel ku dhaw Baar Ismaaciil oo ku yaala degmada Afgooye .

Dadka qaraxan ku dhaawacmay iyo kuwa ku geeriyoodayba waxay badankoodu ka tirsanayeen ciidamo Turki ah oo ilaalinayey amaanka injineero iyo farsamayaqaano Turki ah oo ku hawlanaa waddo sku xidhdha Xamar iyo Afgooye oo ay shirkado Turki ahi dhismaheeda ka wadeen goobta qaraxu ka dhacay.Hasayeeshee siday dad goob joog ahaa ay xaqiijiyeen dawladda Turkiga ayaan ka run sheegin tirada dhabta ah ee dadkeeda ah ee gu geeriyooday ama ku dhaawacmay falkan oo ka dhashay qarax baabuur miidaamo ah oo lala beegsaday shaqaalahooda iyo ciidankii ilaalinayey.Waxa kale oo la sheegay in astaamaha muujinaya in khasaaraha Turkiga soo gaadhay ahaa mid balaadhan ay ka midyihiin dhaawaci iyo maydki oo loo dalbaday diyaarado ciidan oo xamuul ah halki laga saari lahaa Turkish Airlines iyo Wasiirka Caafimaadka dalka Turkiga oo isagu shakhsiyan kaga horyimid madaarka Ankara isla shalayba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*