Latest News

Khilaaf Ku Qarxay Deni Oo Ku Saabsan Xulashada Xubnaha Puntland Uga Qaybgalaya Baarlamanka Federaalka

Garowe,July 15,2020(Haatufonline)-Khilaaf ba’an oo ku saabsan cidda soo xulaysa xubnaha maamul goboleedka Puntland uga galaya Baaralamanka Somalia ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha gobolkaas ee Siciid Dini,Kuxigeenkiisa Axmed Karaash iyo guddoomiyaha baarlamanka Cabdulrashiid Yuusuf Jibriil .

Khilaafkan oo soo shaacbaxay todobaadkan waxa uu nuxurkiisu yahay Deni oo doonaya in uu isagu soo xulo xubno uu ku kalsoonyahay inay coodkooda siin doonaan hadii uu isku soo sharaxo jagada madaxweynaha Somalia hadii kalena ay u codayn doonaan saaxiibkii Xasan Sh Maxamuud oo u sharaxan madaxtinimada Somalia iyadoo ay Axmed Karaash iyo guddoomiyaha baarlamanka gobolku ku doodayaan inay iyagu xaq u leeyihiin xulashada xubnaha Dhulbahante iyo Warsangali ka tagaya baarlamanka  Federaalka oo ah halka lagu doorto madaxweynaha Federaalka Somalia.

Connect with us on Facebook