Latest News

Xulashadi Baarlamanka Somalia Oo Dawlad Goboleed Kasta Dhexdeeda La Isku Haysto

Muqdisho,July 16,2021(Haatufonline)- Khilaafaad ka dhex abuurmay dawlad goboleed kasta ayaa soo waajahay  Xulashadii xubnaha Baarlamanka Federaalka Somalia ee la filayey inay qabsoonto dabayaaqada bishan oo la dooran lahaa xildhibaanada aqalka sare iyo bisha August oo la dooran lahaa xildhibaanada golaha shacabka.

Beelaha dega dawlad goboleedkasta iyo madaxda maamulka ka jira ayaa isku khilaafsan qaabka iyo goobta lagu qabanayo xulitaanka iyo cidda ka masuul ah.Inkastoo ay dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu ku heshiiyeen in dawlada goboleedkastaa yeelato 2 degaan doorasho oo lagu soo xulo xubnaha ka galay aqalka hoose ee baarlamanka hadana waxa jira caqabado horyaala inay arintaasi suurtowdo.

Tusaale ahaan Garbahaaray oo ah degaan doorasho ma ogola in maamulka,ciidanka iyo gudida doorashada heer gobol ee Jubaland ay shaqo ku yeeshaan doorashada xubnaha matalaya beesha Mareexaan.Sidoo kale beesha Xawaadle ee degta gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeedda in maamulka Hirshabeele bataatan lug ku yeesho Xulashada xubnaha matalaya gobolka Hiiraan oo loo asteeyey inay ka dhacdo Baladweyne.Madaxweynaha Puntland ayaa isagana mucaaradad xoog weyni kaga timid ku/xigeenkiisa Axmad Karaash iyo guddoomiyaha baarlamanka gobolkaasi Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyadoo Karaash iyo Jibriil ku adkaysanayaan inay iyagu soo xulaan xubnaha matalaya Dhulbahante iyo Warsangali taasoo dhaawacaysa qorshaha Dani inuu soo saaro xubno uu isku hubo inay codkooda siin doonaan hadii uu isu soo sharaxo madaxtinimada dalka Somalia.Galmudug lafteeda madaxa ayaa la iskugu jiraa.Maa daama dawladda Federaalka ee Somalia aanay wax awood ah ku lahayn dhulka dawladda Somaliland,waxa Xamar gudaheeda iyana ka taagan khilaaf ay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed isku haystaan reer Somaliland xubnaha labada aqal baarlamaan ka geli doono.

Dhammaan mashaakilka iyo carqaladaha hortaagan xulashada xubnaha cusub  ee baarlamanka Somalia waxa loo aanaynayaa inuu hurinayo oo dabada ka riixayo madaxweynaha Somalia ee mudo-xileedkiisu dhammaday Maxamad Cabdilaahi Farmaajo oo doonaya in xildhiibaano isaga taageersani kasoo baxaan maamulgoboleed kasta si ay codka u siiyaan marka uu baarlamanka cusbi dooranayo madaxweynaha Somalia taasoo hadda suurtogal u muuqata marka la eego siday wax u socdaan in Farmaajo mar kale ku guulaysto jagada madaxweynaha Somalia.

 

Connect with us on Facebook