Latest News

Nin Al-shabaab Ka Tirsan Oo Qarax Ismiidaamin Ah Ku Dilay Labadiisii Waalid

Kisumu, December 9, 2021 (Haatufonline) – Nin la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa Salaasadi dhawyd qarax is-miidaamin ah ku dilay labadiisa waalid iyo naftiisa, deegaanka Katito oo ka tirsan magaalada Kisumu ee dalka Kenya, sida uu qoray wargeyska The Star oo soo xiganaya booliiska.

Is-miidaamiyahaa oo magaciisa lagu sheegay Joseph Odhiambo Ondiek, ayaa tegay gurigii aabihi iyo hooyadi Mary Atieno oo ay wehliso gabadh ay waalo yihiin ka dib markii uu suaslo weydiiyeyna wuxu isku dhexqarxiyey gurigii.

Siday boolisku sheegeen waxa qaraxaasi ku dhintay labadi waalid ee ismiidaamiyaha oo isaguna halkaasi ku dhintay iyadoo uu dhaawac culusi soo gaadhay walaashi oo cusbitaalka loola cararay.

Wargeyska The Star ayaa waxa uu booliska kasoo xigtay  in is-miidaamiyaha qaraxaa geystay uu dhowaan kasoo laabtay kooxda Al-Shabaab, oo uu isku soo xidhay walxo qarxa kadibna iskusoo miidaamiyey waalidkii dhalay.

Is-miidaamiyahan oo ku magac dheeraa Pope  ayaa la sheegay inuu shan sano kahor ka tagay magaalo xeebeedka Mombasa kuna biiray kooxda Al-Shabaab.

Connect with us on Facebook