Latest News

Xildhibaano Ka Tirsan Hirshabeelle Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Jowhar

Jawhar, December 11, 2021 (Haatufonline) – Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka dhacay Qarax xoogan oo la sheegay inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso.
Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaalada Jowhar ayaa ka dhacay goob Maqaaxi ah oo Shaaha lagu cabo kuna taala xaafada Kulmis, waxaana lasoo warinaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle iyo dad shacab ah.
Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba Xildhibaan oo ka tirsan Hirshabeelle iyo mid ka mid ah Nabadoonada magaalada Jowhar iyo laba ruux oo kale oo shacab ah.
Xildhibaanada qaraxa ku dhaawacmay ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Gaabow iyo Yuusuf Cabdiqaadir Karaani, waxaana warar kale oo soo baxaya ay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay hal ruux, walow aysan wali wax war ah kasoo saarin khasaaraha qaraxa laamaha amaanka magaalada Jowhar.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Hirshabeelle ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo baaritaano xiligaan ka wada goobta uu qaraxa ka dhacay iyo nawaaxigeeda.

Connect with us on Facebook