Latest News

Komishanku Shaashadaha Iyo Baraha Bulshada Dadka Ha Uga Sharxo Qaabka Loo Codaynayo Doorkan

017 Somaliland election

Hargeysa,May 28,2021(Haatufonline)-Guudahaan Codbixiyeyaasha gaar ahaan kuwa aan waxna qorin waxna akhriyin ayaa suallo badan iska waydiinaya qaabka loo coodaynayo marka la gaadho maalinta doorashada isku sitkan ee lagu dooranayo xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka ee  Jamhuuriyadda Somaliland ku qabsoomi doonta May 31.Suaalaha ugu badani waxay ka taaganyihiin calaamadda uu codbixiyuhu ku calaamadinayo murashaxa uu dooranayo iyadoo doorashadii u dambaysay ay aheyd Sixid  halka doorkan ay Komishanku marna sheegayaan inay tahay Iskutalaab balse marka boodhadhkooda la eègana ay tilmaamayaan Sixid .

Waxa kale oo aad la isu weydiinaya in codbixiyahu u codayn karo laba musharax oo laba xisbi oo kala duwan iska soo sharaxay oo midna isu sharaxay deegaanka ka kalena wakiilada.Waxa runti la tabaya wacyigalintii uu Komishanka Doorashooyinka Qaranku samayn jiray.Hadaba Komishankan cusub waxa looga baahanyahay inay  sharxaad waafi ah dadweynaha ka siiyaan qaabka doorkan loo codaybayo iyo waxa uu kaga duwanyahay kuwii hore oo ay adeegsato shaashadaha iyo baraha ay bulshadu wararka isku waydaarsadaan( social media) iyo website yada oo waliba ay arintaasi degdeg ugu dhaqaaqdo kuna celceliso cid gaar ahna u xilsaarto.

Connect with us on Facebook