Latest News

Kooxda Hubaysan Ee Oromada (Oromo Liberation Army) Oo Iskaashi La’ Galay TPLF

Addis Ababa, August 12, 2021 (Haatufonline) – Kooxda Hubaysan Ee Oromada (Oromo Liberation Army)  ayaa heshiis iskaashi la saxeexday dhigooda Tigrayga ee TPLF si ay wada jir ula dagaalammaan dawlada Abiy Axmed ee Fadhigeedu yahay Addis Ababa.

Heshiiskan labada dhina dhex maray ayaa ah inay leeyihiin ccadow guud oo ah dawlada dhexe ee fádhida Addis Ababa, inay wadaagaan mukhaabaraadka sirdoonka, iyo inay isku dhafáan ciidamadooda.

Dawlada Ethiopia ayaa mudooyinkii u dambeeyey la kulmaysay dagaal adag oo ay la shagashhay jabhada Tigrayga.

Dalkan Ethiopia ayaa ah wadan wajahaya kadoon sanado, waxaana wakhtigan adag inay ka shaqayso hal dawlad oo federal ah.

Waxaanay dad badan isweydiinayaan halka uu wajihi doono dalkan ku yaala Geeska Afrika ee ay ku ku noolyihiin 110-ka milyan ee qof.

Connect with us on Facebook