Latest News

La Dagaalanka Ka-Ganacsiga Dhasha Harimacdka Ee Loo Dhoofiyo Khaliijka

Haatufonline August 1,2023

Xayawaankii Harimacdka la odhan jiray waxa aduunka kaga hadhay tiro lagu qiyaasoo 7500. Geeska Afrika oo uu xayawaankaasi ku badnaanjiray marka la eegana,Harimacadka qaangaadhka ah ee hadda ku nooli kama badna 500.

Masiibooyinka dabiiciga ah kasakow Harimacdka iyo ugaadh farabadan oo kaleba waxa dabargoyntooda qayb laxaad leh ka qaatay bani aadamka.Tusaale ahaan waxaynu ognahay in xoolo dhaqatada iyo beeralyduba ay ugaadh badan dilaan iyagoo xoolahooda iyo saracooda uga cabsi qaba .Waxase sabanadan dambe u weheliyey nabaad guur ku dhacay buurihi, kaymihii iyo banaanadi ay ugaadhu ku noolaan jirtay taasoo loo nisbeeyo isbadalka wayn ee ku yimid cimiladii koonka oo xata marka duur joogta laga yimaaddo uu isbadalkaasi saameeyey nolasha makhluuqaadkii ku noola badda hoosteeda. Hadaba duruufahaas qalafsan oo dhan waxa Harimacdka sanadahan dambe u dheera oo kusoo kordhay in laga xado dhasha iyadoo loo iib geeyo dalalka Khaliijka. Waxa dhacday in dhal badani ay ku dhimato marka lasoo qabanayo ama marka la tahriibinayo ee loo dhoofinayo dalalka Khaliijka halkaasoo laga jecelyahay in rabaayad laga dhigto. Laakiin ganacsigan sharciga baal marsani waxa uu sababay in hoos-u- dhac weyni ku yimaado tarankii Harimacadkii ku noola Bariga iyo Geeska Afrika oo marka la isku daro tirada sanadkii laga dhoofiyo lagu qiyaasay 300. Sidaas darteed dawladaha Ethiopia,Djibouti iyo Somaliland ayaa ku dhaqaaqay talaabooyin lagula dagaalamayo Harimacadka sida sharcidarada ah looga ganacsado loogana dhoofiyo taasoo ay bogaadisay haydda Cheetah Conservation Fund ee ka shaqaysa daryeelka dhasha Harimacadka laga soo badbaadiyo tahriibleyaasha.

Hasayeeshee hawl intaas ka balaadhan ayaa u taala dalalka Bariga iyo Geeska Afrika hadii la doonayo in la badbaadiyo xayawaankan tarankiisu baaba’yo. Waxay noqonaysa bal wax kaleba ha dambeeyaane in si dhab ah oo wada jir ah wax looga qabto kooxaha dambiileyaasha ah ee dhasha Harimacadka sida qarsoodiga ah uga dhoofiya xeebaha Geeska. Waxa kale oo loo baahanyahay olole lagu qaado dawladaha Khaliijka si loogu qanciyo inay soo saaraan shuruuc adag oo dalalkooda ka mamnuucaya in Harimacadka lasoo gaaliyo

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*