Latest News

Laascaanood Oo Dagaal Ka Qarxay Mar Kale

Laascaanood, March 31, 2023 (Haatufonline) -Kooxaha argagixisadaha ah ee ku sugan gudaha magaaladda Laascaanood ayaa Saaka weerar Culus ku soo Ekeeyay Fadhiisimida Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanka Boholaha Xargagan halkaasi oo dagaalka qadhaadhi ku dhexmaray Ciidamada qaranka iyo kooxaha Argagixisada ee Saaka Weerarka soo Qaaday.

Dagaalkani oo ah mid culus kooxaha Argagixisada ahina Ciidamada qaranka ku soo weerareen afantari iyo Gadiid dagaal ayaa la baacsaday waxaana hadda dagaalka xoogiisu ka gudaha magaalada Laascaanood.

Wararka Hordhaca ah ee aanu haynaa ayaa xaqiijinaya in dhimasho badani jirto oo gaadhay kooxaha nabad diidka ah,waxaana hadda xabada xoogeedu ka socda magaalada Laascaanood oo markii la soo jabiyay ay miciin bideen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*