Laba Helikoptar Oo Ay Kala Lahaayeen Somalia Iyo Atmis Oo La Soo Ridday

Haatufonline,June 5,2025
Kooxda Alshabaab ayaa Isniintii soo ridday laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ee Helikoptar-ka loo yaqaano .
Labadan helikoptar ayaa waxa kala lahaa dawladda Somalia iyo ciidanka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Somalia.
Diyaaradda dawladda Somalia waxa lagu soo riday meel ku dhaw saldhigii istraatijiga ahaa ee Xawaadley kuna yaalay Shabeelada Dhexe isla markaana 50 km xagga waqooyi kaga beegnaa magaalada kadib markii ay saldhiggaasi ay la wareegeen argagixisada Alshabasb.
Helikoptar-ka kale oo sy lahayd Atmis ayaa waxay Alshabaab kusoo rideen tuulada la yidhaa Misra.
Atmis ayaa xaqiijisay in cilad farsamo darteed ay diyaarad Helikoptar ahi kasoo dhacday iyo in ciidamadoodu ka baxeen aagga Xawaadley taasoo ay ku sababeeyeen biyaha wabiga oo kusoo fatahay.
Leave a comment