Latest News

Maadeeyihii Dawladda Hoose Ee Beijing Ganaaxday Ku Dhawaad Labada Milyanee Doolar

Hongkong,May 20,2023(Haatufonline)-Hadal kaftan ah oo uu maadeeye Shiine ah oo la yidhaahdo Li Hoashi ka sheegay ciidanka Shiinaha ayaa sababay in ganaax ku dhaw dhaw laba milyan oo Doolar lagu xukumo shirkadii uu ninkaasi u shaqayn jiray ee soo bandhigi jirtay barnaamijkiisa qosolka ah.

Waxaada Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Golaha Deegaanka ee magaalada Beijing aya Arbacadii dhaweyd sheegtay in shirkadda Shanghai Xiaogou la ganaaxi doono $1.91 milyan isla markaana laga qaadi doono $ 189,000 oo ah lacagtii shirkadda kasoo gashay maadays uu Li Hoashi tiyaatarka kusoo bandhigay laba habeen oo todobaadkii hore ahaa taasoo ay dawlada hoose ku tilmaamtay dakhli qayrul sharci ah.
Hadaba shirkaddii la macaamili jirtay maadeeyaha ayaa si ay uga badbaado cadhada dawladda waxay cudur daar iyo raaligalin ka bixisay kaftankii lagu ganaaxay isla markaana waxay maadeeyihii ka joojisay shaqadii ka dhaxaysay isaga iyo shirkadda.

Dhinaca kale bilyaska ayaa sheegay inuu dacwad ciqaab ah kusoo oogi doono maadeeyaha Li Haoshi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*