Latest News

Madaxweye Biixi Oo Sheegay In Doorashada Ururadu Kasoo Horayn Doonto Ta Madaxweynaha Guurtiduna Ku Iman Doonto Xulasho

Dararweyne,March 7,2022(Haatufonline)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbaad uu maanta ka jeediyey xafladda qalanjibinta dufcadii 7aad oo ka kooban 410 sarkaal oo ka baxay Kulliyadda Tababarka Layli Sarkaal ee Cabdilaahi Askar waxa uu shaaca ka qaaday in doorashada ururada siyaasaddu kasoo horayn doonto ta madaxweynaha isla markaana ay doorashada madaxweynuhu sidiii waajibku ahaa dhici doonto 13 November 2022.
Mudane Biixi waxa uu sheegay in diiwaangalinta ururada cusub lagu dhawaaqi doono bisha June oo la tartami doono si ay usoo baxaan sadex xisbi iyadoo sadexda xisbi ee hadda jira iyo ururada cusubi ay u sinaan doonaan tartanka loo qabanayo inay kusoo baxaan sadexda xisbi ee dalka ka jiri doona ilaa doorashada ururada ee dambe.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu sheegay in doorashada sadexaad noqon doonto ta Golaha Guurtida Somaliland oo ay ku iman doonto qaab xulasho ah .

Connect with us on Facebook