Latest News

Maraykanka Oo Ka Digay Weerar Al-Shabaab U Gaysato Diyaaradaha Rakaabka Ee Jooga Hoose Ku Mara Hawada Kenya

Nairobi, March 1, 2022 (Haatufonline) – Dawlada Maraykanka ayaa ka digtay in Al-shabaab ay weerari karto diyaaradaha rayidka ee dul mara hawada Kenya.

Maamulka dhinaca duulimaadyada hawada ee Maraykanka oo magacooda loo soo gaabiyo (FAA) ayaa sheegay in qiimayn ay sameeyeen ay ku ogaadeen in mitidiinta Al-shabaab ay haystaan hub awood u siinaya in ku dhuftaan diyaaradaha jooga hoose (ilaa 25,000 feet) ku mara hawada Kenya, kuwaas oo u goosha dalalka Imaaraadka, India iyo China ay ka midka yihiin.

Dhinaca kale Milatariga Kenya ayaa sheegay inay Afar dagaalyahan oo ka tirsa Al-shabaab ay ku dileen Sariri, Boni oo ka tirsan xeebta degmada Lamu oo daris la ah Somalia.

Connect with us on Facebook