Latest News

Madaxweynaha Somalia Farmaajo Oo La Filayo Inuu Ka Noqdo Xil Ka Qaadistii Taliyehii Ciidanka La Dagaalanka Argagixisada Ee Danab Culays Gudaha Iyo Dibadda Dalkiisa Kaga Yimid Awgeed

Mogadishu Septrmber 10,2020 (Haatufonline)- Madaxweynaha Somalia Farmaajo ayaa la filaya inuu ka noqdo xil-ka-qaadistii uu dhawaannku sameeyey taliyehii ciidanka kamaandooska ee Danab Ismaaciil Cabdimaalik ka dib markii uu culays laxaad lehi kaga yimid dhinacyo kala duwan oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba ku sugan oo daneeya la dagaalanka argagixisada ururka Alshabaab ee ka hawlgala qaar ka mid ah deegaamada Somalia.

Gaashaanle Ismaciil ayaa sida la sheegay ah sarkaal ciidan oo firfircoon oo tababaro milatari oo heer sare ah kusoo qaatay dalka dibaddisa isla markaana waxa aad loo ammanay kartida uu ku hogaamiyo hawlgalada ka dhanka ah ururuka Alshabaab ee uu ciidanka Danab ka fuliyo goobo ka tirsan dalka Somalia.Hasa yeeshee xilka ciidan ee laga xayuubiyey ayaa waxa lagu sababeeyey qabyaalad iyadoo ay taliyeha isku hayb ahaayeen raiisal wasaare Khayre oo marki ay isku dhaceen madaxweyne Farmaajo ka caydhiyey shaqadi taasoo uu ka dhashay guux farabadan oo ciidanka dhexdiisa ah.Waxa kale oo xil-ka-qaadista Ismaaciil aad uga cadhooday taliska ciidanka Maraykanka qaybtiisa Afrika oo juhdi badan galiyey dhiska,tababarka iyo daryeelka ciidanka Danab tan iyo xiligii la aasaasay,waanay adagtahay in Farmaajo u babac dhigi karo culaysyada dhinac walba kaga imanaya iyadoo la filayo inuu ku khasbanaado inuu Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik kusoo celiyo cilkii uu ka qaaday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*