Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Saddex Xeer U Gudbiyey Golaha Wakiilada

Hargeysa, September 19, 2020 (HaatufOnline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta aqalka golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyey saddex xeer si ay uga doodaan.

Saddexdan xeer ee Madaxweynaha Somaliland uu usoo gudbiyey golaha Wakiilada Somaliland ayaa kala ah Xeerka Hay’adda Dekedaha Somaliland, Xeerka aaga ganacsi ee cashuuraha ka caagan (Free Zone) iyo xeerka diiwaangalinta shirkadaha ganacsi.

Qoraal uu Madaxweynaha Somaliland usoo gudbiyey Golaha Wakiilada ayaa waxa halkaasi ka hor akhriyey xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*