Latest News

Madaxweynaha Somaliland Oo Xisbiga Waddani ka guddoomay Beddelka Xubintii Guddida Doorashooyinka

Hargeysa, June 7, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta oo Salaasa ah, taariikhduna tahay 07/06/2022 uu Xisbiga Waddani ka guddoomay warqad summaddeedu yahay TIX/XIS/WAD/XDH/2885/2022, kuna taariikhaysan 07/06/2022, ujeeddadeeduna tahay: Magacaabista Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu uga mahad-celinayaa Xisbiga WADDANI sida dhakhsaha leh ee ay u soo magacaabeen xubintooda cusub ee Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu codsi u gudbinayaa in Hay’adaha kale ee Qaranka ee xubnaha ku leh magacaabista Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inay sida ugu dhakhsaha badan u soo gudbiyaan xubinta ama xubnahooda si loogu gudbo wajiga xiga.

Connect with us on Facebook