Latest News

Wasiir Toorno Oo Gudoomiyeyaasha Waxbarashada Dalka Ku Wargaliyey Inay Dibadbaxyadu Ka Reeban Tahay Ardayda Iyo Bahda Tacliinta

Hargeysa, June 7, 2022 (Haatufonline) – Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa guddoomiyayaasha Waxbarashada ee gobolada dalka ku wargaliyey inay ka reeban tahay ardayda iyo dhammaan bahda Waxbarashada banaan baxyo amniga dalka lagu khalkhal galinayo.

Sida Wasiirka Waxbarashadu ku sheegay Warsaxaafadeed lagu socodsiiyey dhammaan guddoonka gobolada ee Waxbarashada dalka, kaas oo lagu sheegay inay ka reeban tahay dhammaan Ardayda iyo bahda waxbarashada inay qayb ka noqdaan degenaashiyo darro la abuuro iyo banaanbaxyo.

Connect with us on Facebook