Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Caawa Kulan La Yeeshay Siyaasiyiinta Ururada Ku Dhawaaqay

Hargeysa, May 25, 2022 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa caawa kulan la qaadanaya qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Ururrada siyaasadda ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Sida uu xaqiiyey Cabdirisaaq Ataash oo caawa qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay mafaxweynaha ka wada hadleen arrinta dootashada ururada siyaasada.

Kulankan uu Caawa Madaxweyne Muuse Biixi uu la yeeshay gudoomiyyeyaasha ururada Siyaasada ayaa waxa mid

Maxamed Cabdi Gabboose, Cabdilaahi Darawal iyo Cabdirisaaq Ataash, oo dhawaan saddexduba shaaciyay Ururro siyaasadeed.

Kulanka caawa ee guddoomiyeyaasha Ururrada Siyaasadda iyo madaxweyne Biixi, ayaa ku soo beegmaya iyadoo labada xisbi mucaarad galabta sheegeen in ay joojiyeen wadahadaladii ay xukuumadda kula jireen.

Connect with us on Facebook