Latest News

Shirkadda Somcable Submarine Network Oo bil Gudaheed Xadhigii Labaad ee Badda Hoostiisa Mara Keentay Berbera

Berbera, May 25, 2022 (Haatufonline) – Shirkadda Somcable Submarine Network ayaa bil Gudaheed Xadhigii Labaad ee Badda Hoostiisa Mara Keentay Berbera.

Keenista xadhigan ayaa maanta waxa ka qaybgalay Maareeyaha Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.

Xadhiga ayaa laga soo geliyey Magaalada xeebta Batataale, waxaanu Maareeyaha Dekedu  si weyn ugu amaanay Shirkada Somcable keenista xadhigaa muhiimka ah ee iyo maalgelinta ay dalka ku samaysay Shirkada Somcable.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa xusay inay si dhow ula shaqayn doonaan kana caawin doono wixii ay uga baahato Shirkada Somcable, maadaama ay Haayadda Dekedaha Jamhuuriyada Somaliland maamusho Badda oo dhan.

Connect with us on Facebook