Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Guddidii Hore Ee Doorashada

Hargeysa, (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyeyaasha Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ayaa kulan la yeeshay Guddigii hore ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo muddo-xileedkoodu dhamaanayo bishan.

Sidaana waxa lagu sheegay War Qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay guddidii hore ee komishanka doorashooyinka qaranka oo muddo-xileedkoodu dhammaanayo 29-11-2019-ka, waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici) iyo guddoomiyeyaasha goleyaasha guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Kulankan dhex maray Madaxweynaha iyo shir-guddoonka goleyaasha Guurtida & wakiillada iyo xubnaha Komishankii hore ee doorashooyinka qaranka ayey ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi la xidhiidha sidii xilkasnimada iyo hufnaanta lahayd ee ay u guteen waajibaadkii qaran ee saarnaa, una qabteen diiwaangelintii cod-bixiyayaasha iyo doorashadii Madaxtooyada.

Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha iyo shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada uga mahadceliyey kulanka ay la qaateen, waxaana ay tilmaameen in   shaqadii ay soo qabteen ahayd  masuuliyaddii loo igmaday  iyo waajibaad qaran oo ay u guteen si Dastuuri ah.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*