Latest News

Madaxweyne Biixi Oo La Kulmay Guddida Cusub Ee Doorashooyinka

Hargeysa (Haatuf) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Guddiga cusub ee doorashooyinka Qaranka, kuwaasi oo khilaaf ka dhashay soo xulistooda ka dib lagu heshiiyey in laga noqdo, isla-markaana la soo celiyo Guddigii hore ee Doorashooyinka ee wakhtigu ka dhamaaday.

Madaxweyne Biixi ayaa xubnaha cusub ee Komiishanka doorashooyinka Qaranka uga warramay Cabaqadaha ku gedaaman Qabsoomidda doorashooyinka iyo iyaga Komiishan ahaan, waxaanu Madaxweynuhu u sheegay xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka sida uu u danaynayo in deg-deg looga gudbo wax kasta oo caqabad ah oo hadda jira.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa kula kulmay xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu xubnaha guddida uga warramay caqabada ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka iyo xubnaha komishanka doorashooyinka laftooda, isaga oo ku dheeraaday ahmiyadda ay doorashooyinku dalka u leeyihiin iyo sida uu ka Madaxweyne ahaan u danaynayo in deg-deg looga gudbo dhammaanba wixii turaanturrooyin ah ee doorashooyinka hor taagan.

Dhinaca xubnaha guddida doorashooyinku waxay madaxweynaha xog-warran ka siiyeen wixii u qabsoomay intii ay xilka hayeen iyo waxyaabaha mustaqbal ahaan u qorshaysan…”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*