Latest News

Madaxweyne Farmaajo Oo Aqbalay Go’aanka Barlamaanka Uu Kalsoonida Ugala Noqday Raysal Wasaare Khayre

Muqdisho, July 25, 2020 (Haatuf) – Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo waxaa soo gaartay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu muhiim u arkay midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda lagu jiro,.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu si degdeg ah usoo magacaabidoono  Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeyyay horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*