Latest News

Madaxweyne Ku Xigeenka Dawadd Deegaanka Oromada Itoobiya Oo Booqatay Dekeda Berbera

Berbera, (Haatuf) – Maareeyaha Guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa soo dhaweyn mug leh Ku qaabilay Waftigii balaadhnaa ee ay hoggaaminaysay madaxweyne ku xigeenka dawladd deegaanka Oromada ee dalka Itoobiya, Chaltu Sani Ibraahim oo Maanta booqasho ku tagtay Dekedda Berbera.

Ugu horayn Maareeyaha Dekedaha Somaliland waxa uu si xeeldheer uga waramay adeegyada caalamiga ah ee ay bixiso Dekeddu, waxanu sheegay inay lagama marman ay tahay inay Dekeda Berbera isticmaasho ganacsatada dalka Itoobiya, isagoo Madaxweyne ku xigeenka qoomiyada oromadana ka codsaday inay istcmaalan Dekedan, sidoo kale, waxa uu maareeyuhuu tilaamay in dhismaha Dekeda Cusub meel wanaagsan maraayo, isla markaana Wadadii Berbera Corridor kuna sidoo kale meel wanaagsan maraysoo, Maareeyaha oo arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi.

“.waxanu jecelnahay in labada umadood ee walaalaha ahi Oromada iyo Somaliland isu furmaan, maadaama oo hada uu socdo Wadaadii Berbera corridor ka iyo dhismihii Dekeda Cusub iyo tan hada noo shaqaysaa, waanu idin soo tusaynaa Dekeda Cusub iyo tan noo shaqaysaba, muddo dheer ayaanu ka shaqaynaynay xidhiidhka u dhexeeya labada wadan Somaliland iyo Itoobiya inuu wanaagsanaado, gaar ahaan Kiliilka Oromada inaanu yeelano xidhiidh dhow iyo saaxibtimo mug leh, iyo mid dhaqan-dhaqaale.waxanu Mar labaad iyo sadexaadbaa aanu idinku soo dhoweynay Somaliland iyo Dekedda Berbera.

sidoo kale, Maareeyaha Dekeda Berbera waxa uu sheegay in ka Maamul Dekeda ahaan ay dhowaan safarku tagi doonaan dalkaa Itoobiya, gaar ahaan Maamulka dawlad deegaanka Oromada, Maareeyaha oo arrimahaas ka Hadlaya waxa uu yidhi, “Dekeda Berberi waxay bixisaa adeeg, waxananu jecel nahay inaad nagala shaqaysan, si ganacsatada dalka Itoobiya ay u isticmaasho Dekedan oo ah mid Caalamiya, sidoo kale, ka maamul Deked ahaan, waxanu jecel nahay inaanu nimaadno dalkiina Itoobiya, anaggoo ku qabanaynaa Shir-saxaafadeed Caalamiya, kaasoo aanu kusoo bandhigi doono, adaagyada caalamiga ah ee ay bixiyo Dekeda Berbera”.ayuu yidhi MaareeyahaDekedaha Somaliland Md Siciid Xasan Cabdilahi.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*